Xasan: Xildhibaanada ha isku diyaariyeen furimaha dagaalka

Image
Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay dabar-goynta maleyshiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la hadlay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka 11aad ayaa carabka ku adkeeyay in ay dhaqan-gelinayaan dhaqan dowladnimo.

"Waan idin kaga mahad-celinayaa in ay aad i doorateen iyadda oo la leeyahay qof horey loo doortey lama soo celinaayo. Laakiin waxaan idinka codsanayaa in aad i garab-istaagtaan," ayuu tibaaxay.

Guddoonka labada gole ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay ku adkeeyaan Xildhibaanadda in ay soo xaadiraan fadhiyada sharci-dejinta ugu dambeyn saddexda subaxnimo lana sameeyo waqti xaadirinta ku eg-tahay.

"Waxaa la dhihi doonaa meesha iskuul miyaa? Dhaqanka dowladnimada ayaa sidaas u shaqeeya. Aniga balanta shaqo ee iigu soo horeysa subaxii waa labada subaxnimo," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxwaynaha ayaa ka shanqariyey in xil ka qaadis ay u sameyn doonaan haddii xafiisyada dowladda lasoo xaadiri waayo waqtiga ay dowladda u jadwaleyso.

"Waxaa la maqli doonaa mas'uul hebel ayaa shaqadda looga qaadi waqtiga uu xafiiska soo xaadiri waayo. Qofkii dhowri-waaya canshuurta dadka Soomaaliyeed isagana lama dhowri doono," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, mudaneyaasha ayuu si cad ugu sheegay in ay u diyaar-garoobaan ka qeybgalka dagaalka dowladiisu la geli doonto maleyshiyadda Al-Shabaab "maadaama ay dhiman lahaayeen ayaga maqaaxi fadhiya".

"Awalba waa dhiman lahaydeen. Maxaa ka sharaf badan adiga oo u geeriyooda in ay dadka aad matasho ka xoreynaya cadowga duleysanaya. Arrintaas iyadana way idinku imaan doontaa," ayuu soo hadal-qaadey.

Abaarta dalka uu haatan wajahayo ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay Al-Shabaab uga sii dareen dadka oo ay ku qasbayaan in ay bixiyaan lacago laaluush ah si ay u beertaan beerahooda "taasoo ah astaan cadaawad weyn".

Ugu dambeyntii, madaxwaynaha ayaa mar kale wuxuu xaqiijiyey in aysan jiri doonin cid loo beegsan doono in ay kamid ahayd maamulkii hore wuxuuna soojeediyey is-cafin "aniga hala i-cafiyo, balanteena waa horey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM