Xasan: Xildhibaanada ha isku diyaariyeen furimaha dagaalka

Image
Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay dabar-goynta maleyshiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la hadlay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka 11aad ayaa carabka ku adkeeyay in ay dhaqan-gelinayaan dhaqan dowladnimo.

"Waan idin kaga mahad-celinayaa in ay aad i doorateen iyadda oo la leeyahay qof horey loo doortey lama soo celinaayo. Laakiin waxaan idinka codsanayaa in aad i garab-istaagtaan," ayuu tibaaxay.

Guddoonka labada gole ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay ku adkeeyaan Xildhibaanadda in ay soo xaadiraan fadhiyada sharci-dejinta ugu dambeyn saddexda subaxnimo lana sameeyo waqti xaadirinta ku eg-tahay.

"Waxaa la dhihi doonaa meesha iskuul miyaa? Dhaqanka dowladnimada ayaa sidaas u shaqeeya. Aniga balanta shaqo ee iigu soo horeysa subaxii waa labada subaxnimo," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxwaynaha ayaa ka shanqariyey in xil ka qaadis ay u sameyn doonaan haddii xafiisyada dowladda lasoo xaadiri waayo waqtiga ay dowladda u jadwaleyso.

"Waxaa la maqli doonaa mas'uul hebel ayaa shaqadda looga qaadi waqtiga uu xafiiska soo xaadiri waayo. Qofkii dhowri-waaya canshuurta dadka Soomaaliyeed isagana lama dhowri doono," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, mudaneyaasha ayuu si cad ugu sheegay in ay u diyaar-garoobaan ka qeybgalka dagaalka dowladiisu la geli doonto maleyshiyadda Al-Shabaab "maadaama ay dhiman lahaayeen ayaga maqaaxi fadhiya".

"Awalba waa dhiman lahaydeen. Maxaa ka sharaf badan adiga oo u geeriyooda in ay dadka aad matasho ka xoreynaya cadowga duleysanaya. Arrintaas iyadana way idinku imaan doontaa," ayuu soo hadal-qaadey.

Abaarta dalka uu haatan wajahayo ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay Al-Shabaab uga sii dareen dadka oo ay ku qasbayaan in ay bixiyaan lacago laaluush ah si ay u beertaan beerahooda "taasoo ah astaan cadaawad weyn".

Ugu dambeyntii, madaxwaynaha ayaa mar kale wuxuu xaqiijiyey in aysan jiri doonin cid loo beegsan doono in ay kamid ahayd maamulkii hore wuxuuna soojeediyey is-cafin "aniga hala i-cafiyo, balanteena waa horey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM