Xasan Sheekh: Saraakiil lagu tuhmayo qaraxyo ayaa la baarayaa

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey "in ciidamadda dowladda ay fududeeyaan weerarada argagixisadda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtida maanta ah ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Xasan Sheekh oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

"Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala," ayuu raaciyey.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada ayuu faray in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftey in uu baaritaan ku socdo saraakiil ka tirsan ciidamada kuwaasoo lagu tuhmayo qaraxyo iyo weerar argagixiso oo ka dhacay Muqdisho.

"Waxaa la yiri fuley xantiisa ma mooga. Xantana sideeda meel aan waxba kama jirin lagama sheego. Waar hooy is jira oo ka fogaada ceebta," ayuu yiri. Baaritaanka ayuu xusay in ay qeyb ka yihiin ajaaniib natiijadana la shaacin doono.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xilshibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Mudadii ay socotey xafladda, waxaa lasoo bandhigay muuqaalo ku saabsan taariikhda ciidanka booliska iyo shaqooyinka uu qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM