Xasan Sheekh " waa muhiim in laga wada tashado aayaha dalka"

Image

February 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay dardar gelinta kulamada wadatashiga ah ee dhex maraya madaxda dowlada dhexe iyo madaxda dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowlada Federaalku qaadi doonin tallaabo aysan wadatashi buuxa kala sameyn dowladaha federaalka ku jira iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

"in laga wada shaqeeyo sidii uu dalkan caalamka ula tartami lahaa islamarkaana looga gudbi lahaa caqabad kasta oo ka hor imaan karta horumarka dalka, shirkan waa kii ugu horeeyey waxaan rajeynayaa in shirarka labaad ay imaan doonan inta ka maqan, halka kan saddexaad uu noqon doono mid ay dhamaan ka wada soo qeyb galaan oo aan la dhihi doonin cid gaar ah ayaa ka maqan shirka" ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale sheegay in shirkii todobaadkii hore Muqdisho ka dhacay ahaa mid taariikhi ah, kaasoo ka turjumaya biseylka siyaasadeed ee la gaarey iyo weliba sida ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu uga mideysan yihiin hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

Shirkii afar geesoodka ahaa ee Khamiistii Muqdisho kusoo xirmey waxaa qodobadii laga soo saarey ugu muhiimsanaa: in la joogteeyo kulamada wadatashiga ee ay yeelanayaan dowlada dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka, in qorshe mideysan laga yeesho hirgelinta higsiga 2016, in si wadajir ah laysaga kaashado la dagaalanka argagixisada iyo in la dedejiyo dhismaha gudiyada dastuuriga ah ee amniga qaranka. Halkan ka akhriso war-murtiyeedka shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM