Xasan Sheekh " waa muhiim in laga wada tashado aayaha dalka"

Image

February 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay dardar gelinta kulamada wadatashiga ah ee dhex maraya madaxda dowlada dhexe iyo madaxda dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowlada Federaalku qaadi doonin tallaabo aysan wadatashi buuxa kala sameyn dowladaha federaalka ku jira iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

"in laga wada shaqeeyo sidii uu dalkan caalamka ula tartami lahaa islamarkaana looga gudbi lahaa caqabad kasta oo ka hor imaan karta horumarka dalka, shirkan waa kii ugu horeeyey waxaan rajeynayaa in shirarka labaad ay imaan doonan inta ka maqan, halka kan saddexaad uu noqon doono mid ay dhamaan ka wada soo qeyb galaan oo aan la dhihi doonin cid gaar ah ayaa ka maqan shirka" ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale sheegay in shirkii todobaadkii hore Muqdisho ka dhacay ahaa mid taariikhi ah, kaasoo ka turjumaya biseylka siyaasadeed ee la gaarey iyo weliba sida ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu uga mideysan yihiin hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

Shirkii afar geesoodka ahaa ee Khamiistii Muqdisho kusoo xirmey waxaa qodobadii laga soo saarey ugu muhiimsanaa: in la joogteeyo kulamada wadatashiga ee ay yeelanayaan dowlada dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka, in qorshe mideysan laga yeesho hirgelinta higsiga 2016, in si wadajir ah laysaga kaashado la dagaalanka argagixisada iyo in la dedejiyo dhismaha gudiyada dastuuriga ah ee amniga qaranka. Halkan ka akhriso war-murtiyeedka shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM