Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in uu la fariisto dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo xalliyo khilaafaadka ka taagan arrimaha waaweyn ee qaranka, oo ay ka mid yihiin isbeddelka Dastuurka iyo qaabka doorashada ee la qorsheynayo sanadka 2026.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta oo Isniin ah, ayaa carabka ku adkeeyey in aanu wax isbeddel ah ku imaan mowqifkiisa ku aaddan in la qabto doorasho toos ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha kama uusan hadlin walaacyada laga muujiyey iibinta hantida guud ee shacabka, arrin si weyn looga hadlayay maalmahan dambe.

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho ee soo socda iyo habraaca ansixinta isbeddelka Dastuurka, taasoo keentay kala aragti duwanaansho u dhaxeysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM