Xasan Sheekh: Wasaaradaha waa in ay kaalin ku yeeshaan dagaalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shirka todobaadlaha ee golaha wasiiradda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM