Xasan Sheekh: Weerarka Masagawaa wuxuu ifiyey yoolka Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tibaaxay "in lasoo gaarey xiligii uu qofka kasta u istaagi lahaa xoreynta dalka".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree.

Marxuumiinta ayaa ku naf-waayay weerar ku bilowday qaraxyo kadibna uu xigay iska-hor-imaad toos ah oo maleyshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Xasan Sheekh ayaa xusay "in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Al-Shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan".

Sida laga soo xigtey madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiska joogay in ku dhow muddo hal sano ah, weerarkan "waa in uu ku dhiirageliyaa qofkasta inuu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab".

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna," ayuu tibaaxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, "balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Al-Shabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna".

Muwaadiniinta ay dhaawacyadda ka soo gaareen weerarkan oo u badan askar ayuu in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM