Xasan Sheekh: Weerarkii Villa Rays waxaan ka maqlayay xafiiskayga

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa difaacay shir uu furay maalintii ka dambeysay goorta falkan uu dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan uga hadlay weerarkii maleyshiyada Al-Shabaab ay 23-ka saac ku haysatay Hotel Villa Rays ee dhacay 28-kii November, 2022.

Xasan Sheekh oo maqaal ku daabacay Majalada laga leeyahay Ingiriiska ee The Guardian ayaa dhacdadaas isugu jirtey is-miidaamin iyo duulaan toos ah wuxuu ku tilmaamay "weerar argagixiso oo fulaynimo ah".

Weerarkaas ayaa dhacay maalin kahor inta uusan madaxwaynuhu furin Shirka Maalgashiga Soomaaliya kaasoo ay soo agaasintey Wasaaradda Qorsheynta federaalka ayna kasoo muuqdeen dad ajaaniib iyo Soomaali ah.

Villa Rays Hotel ayaa ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya. Siyaasiyiin iyo khuburo amni ayaa shaki ka muujiyey qaabka dagaalameyaasha ku gaareen aaggaas. Booliska ayaa tirade dableyda wuxuu ku sheegay illaa lix.

"Xafiiskayga iyo hoygayga ayaa ka maqlayaayay xabadaha, wuxuuna weerarka socdey illaa markii aan furay sharciga, wuxuuna soo gaarey gelinkii, waana mahadsan yihiin geeseiyeyaasha ciidanka amniga," ayuu yiri.

Sidda uu sheegay afhayeenka taliska bileyska, Sadiiq Doodishe, howlgalka lagu soo gabagabeeyay weerarkaas waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan laba askari. Balse, warar kale waxay gaarsiinayaan illaa afar ama lix askari.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh oo difaacay go’aanka uu shirka ku furay xilli weerarka uu socdey ayaa xusay in uu doonayay in uu u muujiyo "argagixisada in aysan u shaqeyn doonin xeeladahooda cabsi-gelinta".

"Maxaan shirka u furay maalintaas? Waxaan rabnay in aan diidno in aan isku dhiibno xeeladaha cabsi-gelinta argagixisada. Soomaaliya kaliya ma ahan tusaalaha rabshado io dowlad fashilintay, sheekooyin kale ayaa jira," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha ayaa maqaalkiisa diiradda ku saarey in waddanka uu leeyahay fursad wanaagsan oo uu kaga soo kaban karo dhibaatooyinka ka dhshay burburkii 1991-kii wuxuuna muujiyey in maamulkiisa aqbalayo maalashi.

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Xasan Sheekh uu dhowaan ka dhawaajiyey in xukuumadiisa ay diyaar u tahay qaadashada boqolaal bilyan oo deyn ah laguna maalgelinayo maashaariic isugu jira isbitaalo iyo iskuulo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Israel oo raba inay Falastiiniyiinta Gaza geeyaan Soomaaliya iyo Sudan

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sheegay in wax xiriir ah Mareykanka iyo Israel kala soo sameynin arinta qaxootiga reer Falastiin.

  • Soomaliya

    14-03-2025

  • 02:56PM

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM