Xasan Sheekh: xukuumad loo dhan yahay ayaa lasoo dhisayaa

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay magcaabista golaha wasiiradda ee la sugayo.

Wuxuu sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono xukuumad tayo leh oo ay ka dhex muuqdaan dhinacyada siyaasadu.

Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaadey in aysan cid walba jago ka heli karin xukuumadda, balse la soo dhisayo xukuumad isu dheeli-tirsan, isagoo ka dalbaday bulshada inay golaha cusub la shaqeeyaan.

"Aynu la shaqayno dowladda si aan uga dhaqaaqno halka aan joogno, wakhtigana uga faa'iidaysno." Ayuu yiri Xasan sheikh.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta iyo umadda kaleba ugu baaqay in ay tanaasul u muujiyaan danta guud ee la wadaago.

Arrintani waxay kusoo beegmaysaa xili qaar ka tirsan beeluha ay ku goodiyeen in aysan oggolaan doonin hadii aan la soo magcaabin xubno ay carabaabeen, sida Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hore isaga casilay wasiirka amniga.

Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa bartamihii bishan dib ula noqday xukuumad ka koobnayd 22 wasiir oo uu soo dhisay goor hore oo bishan ah, in kastoo uu kala diray markii uu ka war helay qorshe uu baarlamanku codka ugu diidayo xukuumadaas.

Sharmaake ayaa looga fadhiyaa xukuumad cusub oo aan la aqoon qaabka ay yeelanayso marka la eego dhinacyada siyaasadeed ee isha ku haya. Baarlamanka ayaa ku baaqay in aan xukuumadda lagu soo darin xubnihii ku jiray dowladihii la tuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM