Xasan Shiikh oo diidey xal ka gaarista xaaladda cakiran ee Soomaaliya; mucaaradka: Maxaa la gudboon?

Image

MOGADISHU — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diidey in la gaaro xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo ismari-waaga ka taagan nidaamka doorashada dalka, kaddib kulan maalintii shalay uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku soo dhamaaday is-fahanwaa.

Kulanka, oo diiradda lagu saaray muranka ka dhashay isbeddelka lagu sameeyay Cutubka 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya — isbeddel oo maamulada Soomaaliya iyo mucaaradka intiisa badan ku tilmaameen sharci daro — ayaa la sheegay inuu kusoo afjarmay markii madaxweynaha uu si cad uga horyimid talooyinka iyo doodaha miiska la keenay.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay in aan wax ka baddal lagu sameyn hanaanka doorasho ee hadda socda, oo ay ku jiraan habraacyada iyo guddiyada doorashada labada heer ee dalka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu golayaasha dowladda ka codsado, haddii ay suuragal noqoto, in madaxweynahu ka yimaado Barlamanka halka aqalka wakiiladu shacabku soo dooran doonaan.

Is-mari-waagii ka dhashay kulankaas ayaa sababay in madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka ay goobta ku kala kacaan iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Dhinaca kale, habeenimadii xalay ayaa mucaaradku yeesheen kulan gaar ah, waxaana lagu go’aamiyey in guddi saddex xubnood ah loo xilsaaro diyaarinta warsaxaafadeed rasmi ah oo ka tarjumaya mowqifkooda ku aaddan burburkii shirka iyo talooyinka ay u arkaan inay muhiim u yihiin mustaqbalka siyaasadda dalka.

Burburka kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay wajahayso xaalado siyaasadeed iyo amni oo cakiran, kuwaas oo walaac ku abuuray daneeyayaasha arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM