Xasarada kasoo cusboonaatay Gedo oo kala furfur lagu damiyey

Image
Arrimahan oo is biirsaday ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadda.

KISMAAYO, Jubaland - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisaddii siyaasadeed ee todobaad ka hor ka taagnayd halkaasi ay hoos u dhacday kadib farogalin noocyo kala duwan ah oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Talaabada koowaad waxa ay ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay in uu wacay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kuna wargaliyay in uu Muqdisho kusoo laabto, haddii kale aqalka uu ka qaadi doono talaabo uu xilkiisa ku weyn karo.

Xogaha la helayo ayaa muujinaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu u cawday guddoonka Aqalka Sare, kana dalbay in ay Fartaag wax ka qabtaan.

Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in iyana ay la hadleen saraakiil ciidan oo ku sugan Dooloow, kuwaas oo magangalyo iyo amni siinayay siyaasiyiinta reer Gedo ee halkaasi dhaqdhaqaaqa ka waday.

Cabdirishiid Janan ayaa la sheegay in ay ku dhacday dharbaaxo xoog leh kadib markii hub culus ay kala goosteen askartiisa oo uu isku dayayay in uu dib u abaabulo kadib markii uu gobolka ku laabtay.

Askartan oo la goosatay qoryaha Dhashiikaha ayaa aaday dhanka Balad Xaawo, halkaas oo ay galeen xero ciidanka dowladda oo halkaas ku taala.
Arrimahan oo is biirsaday ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadda.

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan oo wararka sheegayaan in ay dowladda federaalka wadahadal kala leeyihiin arrimaha gobolka Gedo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM