Xayiraad lagu soo rogay shabakada dakhli uruurinta Al-Shabaab

Image
Xukuumadda Washington oo cunaqabateynta kusoo rogtey shaqsiyaadkan ayaa shaacisay maagcyadooda.

WASHINGTON, United States - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn waxay kusoo rogtey shaqsiyaad ay sheegtey in ay maleyshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan yihiin arrimo ay kamid tahay uruurinta dakhliga.

Waaxda Maaliyadda xukuuamdda Washington ayaa qiyaastey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay shabakadan u soo uruurin jireen aduun ka badan 100 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Khalif Adale, Abdullahi Jeeri, Hassan Afgoye, iyo Abdikarim Hussein Gagaal ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in ay qaabilsanaayeen dakhli uruurinta, dhoofinta hubka iyo qorista maleyshiyaadka cusub.

Xubno kale oo kasoo muuqdey liiska ayaa si gaar ah waxaa dhankooda loogu eedeeyay in ay ka gacan-siin jireen dagaalameyaasha hubeysan in ay hub uga keenaan dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey waxay u sheegtay in ay Al-Shabaab kala dagaalameyso dhanka ciidamadda, caqiiqadda iyo aragtida. Talaabadda Washinton ayaa waxaa loo arkaa in ay xiriir la leedahay arrintan.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa todobaadkan waxay uga digtey ganacsatadda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay cilaaqaad toos ah la ama ay lacag siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Laba shirkadood oo aysan magacyadooda shaacin ayay ku eedeysay in ay Al-Shabaab la wadaagaan xogta ganacsatadda maraakiibta uga soo degta dekada Muqdisho waxayna sheegtay in ay talaabo adag ka qaadi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM