Xayiraadda Al-Shabaab ee Baydhabo oo saameysay nolasha shacabka

Image

BAYDHABO, (GO) - Kooxda Al-Shabaab ayaa go'doon galisey dadka ku sugan Magaalada Baydhabo ee Dawladda Koonfur Galbeed. Iyaga oo Muddo asbuuc ah u diiddaya Gawaarida Xamuulka ah ee ka baxa Caasimada Muqdishu inay galaan Magaalada.

Arrintaan ayaa imaanaysa ka dib lacag baad ah oo ay Al-Shabaab ku soo rogtey macalmiinta iyo goobaha waxbarshada ee Baydhabo. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa isku dayey inay wada xaajood la galaan Kooxda, balse ciidamda amaanka ayaa xabsiga u taxaabey ka dib marka ay magaaladu ku soo laabteen.

Al-Shabaab oo ka carooday xariga loo geystay dadkii ay la hadleen ayaa uga jawaabtey go'aanka Dawladda inay magaalada Baydhabo ku soo rogaan cunaqabateyn.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa ka cabanaya sicir barar, iyada oo durba laga dareemay magaalada Baydhabo qiimaha Raashinka quuto daruuriga ah oo sara u kacay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxmuud oo arrintaan ka hadlay ayaa yiri: “ Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay AS ku hayaan go’doominta arxan darada ah."

Agaasimaha ayaa soo jeediyey in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdan, isaga oo cadeeyey in dowlada Federaalka Soomaaliya ay xaqiijinayso dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowlada Federaalka oo dagaal kula gashay kooxda Al Shabaab gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ayaan weli soo af-jarin howlgaladaas taas oo dib u dhac u keentey in ciidanka amaanka howlgalo ka sameeyaan degaanada kale oo ay kooxdaan faraha kulul ku hayso.

Dhinaca waxaan la ogeyn halka uu ku dambeeyey howlgal la sheegey in dalalka dariska la ah Soomaaliya ka caawini doonaan DFS  la dagaalanka kooxdaan gaar ahaan gobolada ku yaal Koonfurta Soomaaliya.

Dowlada Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin xaalada Ka taagan maamul ka Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalo madaxdiisa KMG ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Halevi go’aanka uu ku istaagay, isagoo ku baaqay in Netanyahu uu ku daydo.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 07:10AM

Xasan Sheekh oo booqanaya Masar kadib heshiis Abiy Axmed oo ka nixiyay Al-Siisi 

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda isbeddelaysa ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 12:39PM