Xidhibaan Dhoobo-daareed "Dowlad iyo nin baan ahayn" [Dhagayso]

Image

09 November, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed oo u sharaxnaa jagada gudoomiyaha Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magalada Garoowe.

Dhoobo, ayaa sheegay inuu leeyahay han siyaasadeed oo uusan ka niyad jabi doonin hamigiisa, wuxuuna xusay inuu la shaqayn doono gudoomiyaha cusub.

Xildhibaanku, waxa uu soo hadal qaaday qaabka doorashadu u dhacday, waxaana uu tilmaamay in hoolka Barlamanka Puntland ku tartameen hal qof iyo dowladda Puntland.Waxa uu intaasi ku daray inuu ka cabsi qabay in la soo magacaabo, maadama qaabka wax u socden ka baxsanayd sida caadiga ah.

Hadalka Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed ayaa daaha ka qaaday arrimo laga wada dharagsanaa taasoo ah in Madaxweyne Gaas lacag ku bixiyay qaabkii kursigan u heli lahaa Xildhibaanka guulaystay ee Axmed Cali Xaashi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM