Xiisad ka taagan Dhuusamareeb kadib markii la joojiyey munaasabad

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xiisad siyaasadeed ayaa maanta oo Arbaco ah laga soo warinayaa Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Jahwareerka ayaa ka dambeeyay markii la joojiyey munaasabad lagu wadday in ay ka qabsoonto mid kamid ah huteelada xarunta gobolka Galgaduud.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu taageerayey Xildhibaanadda Ahlu Sunna u xulatay in ay ku metelaan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ay Ahlu Sunna soo bandhigtay ayaa sheegay in ciidamadda is hortaagay xafladda ay ka amar-qaataan dowladda federaalka.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah ayaanan illaa iyo haatan jawaab ka bixin eedeynta culus ee loo jeediyey.

Xaaladan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeysa xili Guddiga doorashooyinka soo bandhigay shuruudo looga mid noqonayo baarlamaanka.

Ahlu Sunna oo kasoo horjeesatay habraacaas ayaa ku doodey in heshiiska ay la gashay dowladda uu xeerinayo in iyaddu soo xulato mudaneyaasha metalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM