"Farmaajo masoo laabanayo, ha joojiyo haraanti danbeedka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Ibraahim Daqare, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dowlada Farmaajo ku eedeeyay in ay qalalaaso ka abuureyso gobolka Gedo.

Mudanahaan oo degaan doorashadiisu tahay gobolkaas ayaa xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre ku tartarsiiyey in ay ka baaqsato arrintaas.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa imaanaya iyaddoo dhowaan dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah u daabushay Gedo.

Daqare oo Jimcadii wariyeyaasha kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa ka digay qorshe ay waddo dowladda oo ah in ay gobolkaas ka jarto Jubaland.

Xiriirka u dhaxeeya maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo Nabad & Nolol ayaanan fiicneyn tan iyo doorashadii u dambeysay ee ka dhacday Kismaayo.

Nas-teexeyn

"Marka annaga waxaan leenahay madaxweynaha 'siyaasadaada ma deeqdo gobolka Gedo kor uga bax' taasna waa iga waano waa u nas-teexeenayaa, hadda waxaa u hartay sideed bilood," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sideedaas bilood, annaga waxaan rabnay in uu sideedaas bilood uu nabad ku dhameysto nabad ku baxo oo cidda bedelaysa ay nabad ku timaado, laakiin waxaa noo muuqato in meeshaan aysan waxba kasoo socon, waxay wadaan gacan ku togaaleen goboladii nabadda ahaa ayay hub u xawilayaan, dhibaato u rarayaan, war arrintaas halaga soo reebto".

"Madaxweynaha waxaan leenahay arrintaas wax ku qaado ma ahan ka waantow, sideedaada bilood nabad ku dhameyso, hadaad tartantid nabadaada ku bax, in aadan soo noqonayn waan oganahayee dadka haraanti danbeedka ka daa, oo dhibka aad u geysaneyso umadda banaanka ka mar," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xildhibaanka.

Doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa ah mid aanan wali heshiis lagu gaari nidaamka lagu galayo, hase ahaatee, Beesha Caalamka waxay si cad u muujisay in aan la aqbali karin muddo kororsi iyo heshiis la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM