Xildhibaan ka digay in askarta Mareykanka laga saaro Soomaaliya
WASHINGTON, United States - Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa Khamiistii waxay ka codeeyeen qaraar ku qasbi lahaa madaxweyne Joe Biden in uu dhammaan ciidamada Ameerikaanka ka soo saaro Soomaaliya.
Mudaneyaasha Senate-ka ayaa 102-321 ugu kala codeeyay in ay gaashaanka ku dhuftaan qaraarka oo uu maalgeliyey sharci-dejiyaha ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Matt Gaetz.
Dadka ka soo horjeeda qaraarka Gaetz ayaa soo xigtay walaac ku saabsan in ay fursad u noqon karto Ruushka iyo Shiinaha haddii Washington ay baneyso galaangalka ay ku leedahay Muqdisho.
"Waxaan heysanaa fursad aan aan ku dhageysano xulafadayada," ayuu yiri Xildhibaan Gregory Meeks kaasoo qudhiisa kamid ah xisbiga Jamhuuriga hase ahaatee ka aragti duwan saaxiibkiisa Gaetz.
Meeks ayaa waxa uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo " insi wada jir ah in la isku dayo in la hubiyo in Shiinaha iyo Ruushka aysan aduunyadda maalgashi ku sameyn".
Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalalka shisheeye ayaa sanadkan ah dood adag oo ka taagan tahay aqalka Koongareeska. 103 xildhibaan oo ka kala tirsan xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa codeeyey qaraarka ciidamada looga saarayo Suuriya bishii hore.
Golaha Senate-ka ayaa dhawaan waxa uu meelmaryay sharci lagu baabi'inayo laba ogolaansho oo loogu talagalay isticmaalka xoogga militari ee ka dhanka ah Ciraaq.
Isbaheysiga labada xisbi ee Senate-ka ayaa ku doodaya in Congress-ka u baahan yahay inuu dib u soo celiyo awooddiisa dagaal ee sharci-dejinta oo uu ku ilaaliyo xadgudubyada mustaqbalka ee tallaabo militari.
Sharci la mid ah oo lagu burinayo oggolaanshaha dagaalka Ciraaq, laga bilaabo 2002 illaa iyo 1991, ayaa lagu soo bandhigay Aqalka waxaana la filayaa in cod loo qaado sanadkan dhexdiisa. Askarta Ameerika ayaa Soomaaliya galay 2002-dii.
GAROWE ONLINE