Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Somaliland oo geeriyoodey

Image
Marxuum Cabdiraxmaan Jubba ayaa waxaa la sheegay in uu la noolaa cudurka Kansarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo uu ku xanuunsanayay dhowrkii maalmood lasoo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen ehelada iyo asxaabtiisa.

Madax, Xildhibaano, Siyaasiyiin, iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa kale ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisa waxayna u rajeeyeen bedel wanaagsan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya".

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.


Marxuumka oo la sheegay in uu la noolaa cudurka Kansarka ayaa waxa uu kamid ahaa mudaneyaasha lagu doortey magaalada caasimada ah ee Muqdisho isla markaana matala Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo haatan loo yaqaano Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM