Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku dhintey Muqdisho

Image
Illaa haatan fahaahin lagama bixin geerida marxuumka oo ay kacsiyeeyeen mas'uuliyiin kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday magalada Muqdisho.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow," Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida Dowlad-dhiska Koonfur Galbeed iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Mursal (Boorow) qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle hainaga wada siiyo,Marxuum Boorow wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna. Isagoona lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa Dowlad dhiska Dalka,Nabadaynta bulshada iyo Hormarinta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM