Xildhibaan Macalimuu: Musqulaha xarunta Golaha Shacabka lama dayactiro

Image
Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dayaceen suuliyeyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dayaceen musqulaha xarunta ay ku shaqeeyeen isla markaana aysan helin wax daryeel ah.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal kusoo daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa caddeeyay in lacagaha laga qaado xubnaha baarlamaanka aan waxba loogu qaban baahiyaha ka jira golaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $275 x 100 = 27,500 bishii.

Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta.

Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay. Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo.

Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM