Xildhibaan Xaadoole iyo kuwa kale ee furumaha ka maqan oo loo baaqay.

Image
Baraha Bulshada ayaa waxaa qabsaday sawiradda xildhibaano ka maqan deegaanadii laga soo doortay

MUQDISHO (GO) - Xildhibaanada gobolka Hiiraan ayaa tallooyinkii ay sida hoose ugu gudbinayeen xildhibaanada dhiggooda ah hadda lasoo istaagay warbaahinta, iyaga oo waliba markan magac-dhabaya xildhibaanada qaar.

Xildhibaan Maxamed Buraale oo laga soo doortay Hiiraan ayaa si gaar ah ugu baaqay xildhibaan Xaadoole oo laga soo doortay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u sheegay in ay dadka dhex tagaan, hormuudna ka noqdaan dagaalada shacabka ay kula jiraan Alshabaab.

Wuxuu xildhibaan Maxamed sheegay in Xildhibaan Xaadoole uusan hub ku yareen, awoodna u leeyahay in uu dagaalka ka qeybgalo.

Xildhibaan Xaadoole ayaa caan ku ahaa ka mid ahaanshaha Kacdoonki Badbaado Qaran ee looga soo horjeeday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo markaasi ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa sheegay in Alshabaab ay geeyeen xudduuda Shabeelaha Dhexe, halkaasna uu culees kasoo fuuli karo haddii isla gobolkaasi aanan kacdoonka looga furin.

“Maanta waxaan haysanaa fursad, haddii fursadaasi aanan ka faa’iideysanin, waa naga qasaaraysaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanada Hiiraan iyo kuwa Galgaduud iyo Mudug ayaa hor boodaya ciidamada kacdoonka shacabka iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya, iyaga oo seexanaya furumaha dagaalka, qorigana ridaya.

Baraha Bulshada ayaa waxaa qabsaday sawiradda xildhibaano ka maqan deegaanadii laga soo doortay, waxayna dadka ugu baaqayaan xildhibaanadaas in ay waajibkooda gutaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM