Xildhibaan Xuseen Baantuu oo Muqdisho ku geeriyoodey

Image

April 6, 2015 (GO)- Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse (Baantuu) oo ka tirsanaa barlamanka Dowladda Federaalka ayaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo in muddo ah jiifey wuxuu qabey xanuunka sonkorta.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'isal Wasaaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke iyo qaar kamid ah xildhibaannada barlamanka federaalka ayaa ka tacsiyeeyey geeridiisa.

Xuuseen Baantuu oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka muddo 15 sano ka badan ayuu kusoo jirey barlamanka Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa xildhibaankii lixaad ee geeriyooda  intii lagu guda jirey sanadkan cusub ee 2015.

January 25, 2015 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, sidoo kale, February 9, 2015 waxaa isla magaalada Muqdisho lagu toogtey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre.

February 12, 2015  Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed (Cabdi Yare) ayaa ku geeriyoodey magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Isla bishii February 20keedii, Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaji Kafee iyo Xildhibaan Cumar Cali Nuuf Furdug ayaa ku geeriyoodey qarax ismiidaamin ahaa oo Al-shabaab la beegsatey Central Hotel.

Tirakoob dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in wadarta guud ee xildhibaanada ka tirsanaa barlamanka Somalia ee geeriyoodey tan iyo sanadkii 2004 ay tahay 84 xildhibaan.

Lixda xildhibaan ee sanadkan 2015 geeriyoodey ayaa u badan kuwo si dabiici ah u dhintey waxaase ku jira qaar kale oo lagu diley qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM