Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo la dhaariyay

Image

08 December, 2015(GO)-Waxaa saaka magalada Baydhabo lagu dhaariyay 89 Xildhibaan oo ka mid ah Baralmanka uu maamulkaasi oo la filayo in laga dhigo 105 Xildhibaan.

Dhaarinta Xildhibaanada oo ka dhacday xarunta looga arrimiyo maamulkaasi, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Shariif Xasan Shekh, xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo Odoyaal dhaqameed muddooyinkii dambe ku hawlanaa soo xulista mudanayaashan.

Shariif Xasan oo dhaarinta ka dib hadlay, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay Xildhibaanada la soo xulay, wuxuuna ugu baaqay inay qabsadaan wajibaadkooda.Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in la soo dhamaytiro qaybta dhiman.

9 kamid ah Xildhibaanadan ayaa haween ahaa, waxayna ku soo beegmeen xilli muddooyinkii dambe maran ka taagsaa soo xulistooda iyadoo warbaahinta loo soo bandhigin waxyaabaha lagu xalliyay.

Xildhibaanada ayaan shaqayn doona waqti dhan 4 sano, balse Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hormaray sannad oo hadda waxaa u dhiman saddex sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM