Xildhibaano dhaliilay Qoor-Qoor oo Gunada iyo Fadhiyada laga joojiyay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Lix xubin oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa laga joojiyay lacagta Gunada iyo fadhiyada joogtada, kadib markii lagu eedeeyay inay dhaliileen siyaasada Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xildhibaanada oo kala ah C/llaahi Xirsi Maxamed, Axmed C/risaaq, C/naasir Aadan, C/qaadir C/llaahi Bariise, Mursal Maxamed iyo Daahir Cabdi Shiiqow ayaa laga joojiyay afar kulan oo kamid ah kalfadhiga 5aad ee sanadkan 2022.

Sidoo kale, waxaa laga jaray labo bilood oo Gunadii ay qaadan jireen, iyadoo lagu amaray inay soo gudbiyaan cudur-daar qoraal iyo oraah ah, oo ay raali-gelin uga bixinayaan eedaha loo jeediyay ee ah sharci-jebinta.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi oo ka falceliyay arintan ayaa yiri: Waxaan ognahay wixii maalin dhoweyd ka dhacay xarunta barlamaanka Galmudug iyo sharciyo ayadoon kooramku buuxin uu Gacal marsiiyey, Xildhibaanadii arintaas ka hadlayna lagu haysto maxaad u hadasheen.

Maamulka Galmudug ayaa mudo kusoo jiray kala qeybsanaan iyo khilaafyo siyaasadeed, iyadoo khatar Al-Shabaab ay ku geedaaman tahay Dhuusamareeb, oo xarun u ah. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo safaro joogto ah iyo dibad-joognimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM