Xiliga la qabanayo doorashooyinka Somaliland oo lagu dhawaqey

Image

HARGEYSA 21 April,2015 (GO)- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdulqaadir Imaan ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtey xaafiskiisa magaalada Hargeysa ku shaaciyey waqtiga la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo aqalka wakiillada  oo ah June 1, 2016. 

Doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka wakiilada Somaliland ayaa horay qorshuhu u ahaa iney dhacaan June 1, 2015.

Labada xisbi ee mucaaradka ah Wadani iyo Ucid ayaa soo dhoweeyey dib u dhaca ku yimid doorashada, waxayse ka digeen in dowladdu waqtiga sii dheeraysato.

Somaliland oo doorashooyin horey uga dhaceen ayaa inta badan dib u dhac ku yimaada waqtiga shacabka u dareerayo codbixinta, dib u dhacaas oo inta badan ay sababto xukuumadda markaas talada haysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM