Xilliga la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyay

Image
Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa dooranaya madaxweynaha cusub 15-ka bisha May, 2022-da, sidda uu sheegay guddiga isku-dhafka labadda gole ee qaban-qaabinaya coddeynta.

Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya. Doorashadan waxay dib u dhacdey in ka badan muddo 15 bilood ah.

Dhanka kale, guddiga doorashadda ayaa daabacay jadwalka doorashadda kaasoo xeerinaya 8-da May la diiwaan-gelinayo musharaxiinta, 11-ka iyo 12-ka May la hadlayaan baarlamaanka 15-ka May la aadayo sanduuqa.

Guddiga ayaa sidoo kale waxay ku mashquulsan yihiin diyaarinta shuruudaha laga doonayo musharaxiinta madaxweynaha taasoo la filayo in ay kamid noqon doonto in laga rabo khidmad dhan 40-kun oo doolar.

Xulista baarlamaanka haatan shaqaynaya ayaa qaadatay muddo 22 bilood. Eedeymo wax-is-dabamarin, nin-jeclaysi iyo awood-sheegasho ayaa hareeyay geedi-socodka xulista Xildhibaanadda.

Afhayeenadda Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay soo saaray guddiga isku dhafka ah ee diyaarinaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa wadar ahaan wuxuu ka kooban yahay 17 xubnood, oo 11 ka mid ah ay ka imanayaan Golaha Shacabka, halka lixda kale ay ka imanayaan Aqalka Sare.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

GARWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM