Xilliga la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyay

Image
Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa dooranaya madaxweynaha cusub 15-ka bisha May, 2022-da, sidda uu sheegay guddiga isku-dhafka labadda gole ee qaban-qaabinaya coddeynta.

Tobanaan musharaxiin oo ku kala hari doona diiwaan-gelinta ayaa u taagan qabashadda xilka ugu sareeya Soomaaliya. Doorashadan waxay dib u dhacdey in ka badan muddo 15 bilood ah.

Dhanka kale, guddiga doorashadda ayaa daabacay jadwalka doorashadda kaasoo xeerinaya 8-da May la diiwaan-gelinayo musharaxiinta, 11-ka iyo 12-ka May la hadlayaan baarlamaanka 15-ka May la aadayo sanduuqa.

Guddiga ayaa sidoo kale waxay ku mashquulsan yihiin diyaarinta shuruudaha laga doonayo musharaxiinta madaxweynaha taasoo la filayo in ay kamid noqon doonto in laga rabo khidmad dhan 40-kun oo doolar.

Xulista baarlamaanka haatan shaqaynaya ayaa qaadatay muddo 22 bilood. Eedeymo wax-is-dabamarin, nin-jeclaysi iyo awood-sheegasho ayaa hareeyay geedi-socodka xulista Xildhibaanadda.

Afhayeenadda Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay soo saaray guddiga isku dhafka ah ee diyaarinaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa wadar ahaan wuxuu ka kooban yahay 17 xubnood, oo 11 ka mid ah ay ka imanayaan Golaha Shacabka, halka lixda kale ay ka imanayaan Aqalka Sare.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

GARWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM