Ximin iyo Xeeb: yeeli mayno in shirka loo wareejiyo Dhuusomareeb

Image

March 24, 2015 (GO)- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa kasoo hor jeestey go'aan ay shalay soo saareen odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Dhuusomareeb, go'aankaasoo ahaa in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe loosoo wareejiyey Dhuusomareeb.

Af-hayeenka Ximin iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay VOA ayaa sheegay in qorshihii hore ee ahaa ee shirku Cadaado ka dhaco aanay waxba iska bedelin. Carays ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha go'aankaas qaatey aanay metelin bulshada Ximin iyo Xeeb.

"kharash badan baa la galay iyo diyaar garow muddo dheer soo socdey...shirku Cadaado ayuu ka dhacayaa qorshihii horena waxba iskama bedelin" ayuu yiri.

Hadalka kasoo yeeray Ximin iyo Xeeb ayaa imaanaya maalin kadib markii odayaasha dhaqanka ee beelaha gobollada dhexe ay go'aamiyeen in shirka maamul sameytna Galguduud iyo koonufta Mudug loo wareejiyo  Dhuusomareeb.

Arrimo dhowr ah ayey go'aankaas u sababeeyeen, waxaana ugu muhiimsanaa in Dhuusomareeb lagu doortey ammaanka iyo ay leedahay tasiilaadka kale ee shirka lagama maarmaanka u ah sida hoteelada iyo hoolalka shirarka.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay maanta magaalada Dhuusomareeb gaareen wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha oo caawa Dhuusomareeb u hoyanaya ayaa la kulmi doona madaxda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM