Xog dheeraad ah oo laga helay khasaaraha qaraxyaddii Soobe

Image
Weeraradan ayaa la sheegay in ay ka dhasheen laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa gaadiidka gurmadka degdega ah ee Amiin Ambalaas Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka ka mid ah shaqaalaha gaadiidka gurmadka oo qarixii koowaad kadib u tagay goobta in qaadaan dadkii ay ku dhaawacmeen kadib markii uu haleelay qarixii labaad ee lama filaanka ahaa, mid waa darawal, midna waa shaqaale caafimaad.

Mid kale oo shaqaalaha ka mid ah ayaa isna ku dhaawacmay qaraxa oo haatan lagu daweynayaa goobaha caafimaadka, sidda laga soo xigtey Cabdiqaadir oo u waramay warbaahinta.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya goobaha caafimaadka, gaar ahaan isbitaalka Madiina ayaa sheegaya in maydadka ay buux dhaafiyeen goobihii loogu talogalay, maamulka isbitaalkana uu dadka qaraabada u sheegayo in ay maydkooda guryaha u qaataan maadaamaa aanan la haynin meel lagu hayo.

Dadka dhiigga u baahan ee goobaha caafimaadka yaala ayaa aad u badan, iyada oo dhiigga la hayana uu aad u yaryaha, waxaana baraha bulshadda hareeyay codsiyo dad loo goobayo dhiig.

Hal qof oo goobjooge ah ayaa tibaaxaya in qaraxa labaad uu haleeyay gaar caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. Lama ogga in ay ku naf-waayeen dhamaan dadkii saarnaa.

Mid ka mid ah dadka ehelkooda ku waxyeeloobeen qaraxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isbitaalka lagu weeydiiyay lacag $30 doolar oo dhiig loogu shubo xaaskiisa, wuxuuna sheegay in uusan isaga haysanin maadaamaa uu gaari-gacan ku shaqaysto, balse uu ka dhiibay qof meesha ka dhowaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saamaynta labada qarax ay gaari karto illaa dhawr boqol oo qof , iyada oo dadka baraha bulshada ka shaacinaya eheladooda ku waxyeeloowday ay aad u badanyihiin.

Dadka geeridooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah wiil la dhashay guddoomiyaha amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere.

Sidoo kale, fannaanada da’da yar ee Rasmi Rays ayaa iyada oo ooyeysa soo fariisatay baraha bulshada, sheegtayna in hooyadeed ay ku dhaawacantay qaraxa Soobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tirokoob ku waddo khasaaraha guud ee weerarkan. Tirkoob horudhac ah oo ku saleysan dadka logu tacsiyeeyay baraha bulshadda ayaa muujinaya in geerida ay ka badan tahay tobban ruux dhaawacana uu kor u dhafaayo 30 kuwaasoo ay ku jiraan wariyeyaal, saraakiil ciidan iyo tobanaan kale oo dadwayne rayid ah oo jidka marayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM