Xog dheeraad ah oo laga helay khasaaraha qaraxyaddii Soobe

Image
Weeraradan ayaa la sheegay in ay ka dhasheen laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa gaadiidka gurmadka degdega ah ee Amiin Ambalaas Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka ka mid ah shaqaalaha gaadiidka gurmadka oo qarixii koowaad kadib u tagay goobta in qaadaan dadkii ay ku dhaawacmeen kadib markii uu haleelay qarixii labaad ee lama filaanka ahaa, mid waa darawal, midna waa shaqaale caafimaad.

Mid kale oo shaqaalaha ka mid ah ayaa isna ku dhaawacmay qaraxa oo haatan lagu daweynayaa goobaha caafimaadka, sidda laga soo xigtey Cabdiqaadir oo u waramay warbaahinta.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya goobaha caafimaadka, gaar ahaan isbitaalka Madiina ayaa sheegaya in maydadka ay buux dhaafiyeen goobihii loogu talogalay, maamulka isbitaalkana uu dadka qaraabada u sheegayo in ay maydkooda guryaha u qaataan maadaamaa aanan la haynin meel lagu hayo.

Dadka dhiigga u baahan ee goobaha caafimaadka yaala ayaa aad u badan, iyada oo dhiigga la hayana uu aad u yaryaha, waxaana baraha bulshadda hareeyay codsiyo dad loo goobayo dhiig.

Hal qof oo goobjooge ah ayaa tibaaxaya in qaraxa labaad uu haleeyay gaar caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. Lama ogga in ay ku naf-waayeen dhamaan dadkii saarnaa.

Mid ka mid ah dadka ehelkooda ku waxyeeloobeen qaraxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isbitaalka lagu weeydiiyay lacag $30 doolar oo dhiig loogu shubo xaaskiisa, wuxuuna sheegay in uusan isaga haysanin maadaamaa uu gaari-gacan ku shaqaysto, balse uu ka dhiibay qof meesha ka dhowaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saamaynta labada qarax ay gaari karto illaa dhawr boqol oo qof , iyada oo dadka baraha bulshada ka shaacinaya eheladooda ku waxyeeloowday ay aad u badanyihiin.

Dadka geeridooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah wiil la dhashay guddoomiyaha amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere.

Sidoo kale, fannaanada da’da yar ee Rasmi Rays ayaa iyada oo ooyeysa soo fariisatay baraha bulshada, sheegtayna in hooyadeed ay ku dhaawacantay qaraxa Soobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tirokoob ku waddo khasaaraha guud ee weerarkan. Tirkoob horudhac ah oo ku saleysan dadka logu tacsiyeeyay baraha bulshadda ayaa muujinaya in geerida ay ka badan tahay tobban ruux dhaawacana uu kor u dhafaayo 30 kuwaasoo ay ku jiraan wariyeyaal, saraakiil ciidan iyo tobanaan kale oo dadwayne rayid ah oo jidka marayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM