Xogta dableydi fulisay weerarkii Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho

Image
Dhammaan shanta maxbuus ayaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa fashiliyay isku day baxsasho oo Sabtidii maanta ah ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho kadib markii maxaabiis xukuman oo adeegsanayay bastoolado iyo bambooyin ay weerar ku qaadeen ilaalada jeelka, sidda ay laba ilo-wareedyo amni u sheegeen laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Waxaa la rumeysan yahay in hubkaasi si qarsoodi ah loo soo geliyay xabsiga. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan gacanta ku hayaan ammaanka xabsiga.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed C/qani Maxamed Khalaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta ay ku dhinteen Weerarkaasi, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Khalaf ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen 5 dagaalyahan, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 18 kale. Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ee X oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ayaa goor sii horreysay lagu sheegay dilka shanta maxbuus ee maleeshiyada ah.

Dhammaan shanta maxbuus ee sida xun loo toogtay ayaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen qaraxyada iyo soo gelinta walxaha qarxa ee magaalada Muqdisho. Afar ka mid ah ayaa lagu xukumay dil, halka midka shanaadna uu ku jiray xabsi daa’in.

Mid ka mid ah maxaabiista dilka lagu xukumay ayaa lagu helay in uu ku lug lahaa weeraro kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday xafiiska duqa Muqdisho sanadkii hore iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dugsiga tababarka ciidamada bishii July ee sanadkii hore, sida laga soo xigtay ilo amni.

Maxbuus labaad oo isna dil lagu xukumay ayaa lagu helay inuu ku lug lahaa weerarkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Hayat bishii Agoosto 2022, kaasoo galaaftay nolosha 21 qof.

Bishii Agoosto 2020, maxaabiis Al-Shabaab ah oo heley hub ayaa waxay isku dayeen inay qasbaan xabsiga. Afar ka mid ah ilaalada xabsiga iyo 15 maxbuus - oo dhamaan ahaa Al-Shabaab - ayaa lagu dilay weerarka. Hal maxbuus oo dabley ah ayaa baxsaday. Weerarkii 2020, hubkan waxaa lagu sooq ariyay cunto iyo agab kale xilliyada ay booqanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM