Xudunta talaabooyinka is-burinaya ee Soomaaliya iyo Kenya
MUQDISHO, Soomaaliya – Talaabooyin tuhun abuuray ayaa waxay kasoo dhex-if-baxayaan qaababka la doonayo in loo maareeyo is-qabqabsiga diblumaasiyadeed ee ka dhex-oogan dowladaha deriska ah Soomaaliya iyo Kenya.
Talaabooyinkaas ayaa u muuqanaya kuwa burinaya isku-dayada diblumaasiyadeed ee labada dhinac ay muujiyeen bilooyinkii u dambeeyay kuwaasoo u muuqday in la doonayo in lagu xal waara looga gaarayo khilaafkaas.
Gobolka Gedo, ganacsiga Jaadka iyo doorashooyinka Soomaaliya ayaa xudun u ah is-mari-waaga raagey ee maamulada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta – kuwaas oo wadaxaajoodyo ay xalka ka yeesheen kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.
Dec 15, 2020: Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kuna eedeysay "faragelin arrimaha gudaha iyo doorashooyinka".
May 6, 2021: Kadib dhexdhexaadinta Qadar, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey soo celinta xiriirka diblumaasi ee Kenya.
May, 15, 2021: Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo madaxweynaha Kenya, Kenyatta, ayaa isku-arkay caleema-saarka hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Geelle.
Jun 13, 2021: Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay ka go’an tahay xiriir fiican oo ay la yeelato Kenya kana codsatay Nairobi in ay dib u furto safaaradeeda magaalada caasimada ee Nairobi.
Jun, 14, 2021: Kenya oo soo dhaweysay go’aanka Soomaaliya ayaa balanqaadey furida safaaradeeda caasimadda Muqdisho.
Jun, 15, 2021: Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay la wadaagtey "caddeymaha duqeymo ay rayid ku dhinteen oo ciidanka Kenya ka fuliyeen gobolka Gedo".
Jun, 16, 2021: Banaanbax la rumeysan yahay in dowlada Soomaaliya abaabushay ayaa ka dhacay London kaasoo lagu dalbanayey "in Kenya ay joojiso duqeymaha gobolka Gedo".
Dhacdooyinka iska soo daba dhacayay maalmihii lasoo dhaafay oo su’aalaha badan dhaliyey ayaa waxaa suurtagal ah in ay salka ku hayaa saddex arrimood;
1: In Farmaajo adeegsanayo siyaasad laba weji leh; midda hore in uusan dooneyn in uu dhabarka u jeediyo dedaalada ay garwadeenka ka tahay Qadar, tan xigta oo ah in uu wali shacabka u sii muujiyo jiliinkiisa waddaniyada.
2: In uu jiro wadahadal hoose una dhaxeeya Rooble iyo Uhuru kana dhashay is-aragoodii Jabuuti isla markaana xiriirkaas daaha gedaashiisa ah ay dhabaha u xaartay isu-soo-dhowaanshiyaha diblumaasiyadeed ee soo ifbaxay.
3: In Farmaajo ku abuurayo xujo cusub kahor Madasha Antalya Forum ee Turkiga (18-20 June) halkaasoo Qadar qorsheyneyso in ay ku kulan siiso Farmaajo iyo Uhuru si ay uga miradhaliso dedaaladeeda qarka u saaran in ay dhicisoobaan markii uu fuliyey is-fahamkii ay May, 2021 ka shaqeysay.
Iyadda oo xaruntiisu ay ahayd magaala madaxda Kenya ee Nairobi, Farmaajo ayaa doorashadii 2017-kii wuxuu ku ololeeyay diidmo culus oo liddi ku ah Itoobiya oo afartii sano ee lasoo dhaafay si ballaaran gacansaar uu la yeeshay.
Qiimeynta xiriirka caalamka ee Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa muujineysa hoos-u-dhac weyn maka lala barbardhigo sanadihii ka horeeyay ayna wayday dalal xulafo lahaa oo ku garab istaagi jiray masraxyada dunida.
GAROWE ONLINE