Xudur: sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo dowladda isu soo dhiibey

Image

March 30, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Col. Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cade) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool ayaa xaqiijiyey in sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan gelinkii dambe ee shalay isa soo dhiibey.

Bilihii u dambeeyey waxaa korortey tirada saraakiisha xilalka sare ka haya Al-shabaab ee usu soo dhiibaya dowladda.

March 7, 2015 waxaa ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Galguduud isu soo dhiibey sarkaal kale oo ka tirsan Al-shabaab. Ninkaas  oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo rakibista walxaha qarxa.

Sidoo kale, December 2014  waxaa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal xilal badan oo muhiim ah kasoo qabtey Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM