Xukun lagu riday askari Soomaali ah oo dilay Injineer Kenyaan ah

Image
Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan.

Labaatankii bisha July ee sanadkan eedeysane Xasan Cabdiraxmaan ayaa xabad uu ka tuuray Bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick sagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday, waxaana markaas uu ka cabanayay tubo biyo wasaqeysan ku sii dayso guri uu waardiye ka ahaa, Injineerka dhintay ayaana markaas ka howlgalayay dhisidda guri ku yaala agagaarka Airport ka Aden Cadde ee Muqdisho.

Baaris dheer kadib Afar iyo Tobankii bishan xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidmada qalabka ayaa maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda hor keentay kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay.

Dhinacyada dacwadda, maragyadii la keenay ayaa isku daraf ka istaagay howlka dacwadda, waxaana ay isku raaceen in kas dhaaf uu ku yimid kiiska dilka ah.

Maanta ayay maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ku xukuntay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Magdhow la siiyo Ehelka Fredrick Odhiambo Owino sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM