Xukuumada oo sheegtay in ay "akoon horleh ka xirtey" Al-Shabaab

Image
Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ayaa soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira "ka hortagga maalgelinta argagixisada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay'addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa "ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda".

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu "kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada".

FRC ayaa sheegtay in "la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxaha Khawaarijta".

Xamse Cabdi Barre ayaa, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay.

"Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ahmiyadda koowaad siinayso dib-u-xoraynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, isagoo Ra'iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida," ayuu raaciyey xafiiska Xamse.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa, sida ku cad war-saxaafadeedka, "waxa uu faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC)".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM