Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay go'aano khuseeya Masaajidda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo saartay go'aano khuseeya Masaajidda dalka.

Go'aanadan ayaa si toos ah ula xiriira ololaha ka hortagga faafitaanka fayruska safmarka ah ee Corona, sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Warka qoraalka ah ayaa ku booriyey dadka u nugul cudurka ee la ildaran xanuuno uu kamid yahay Dhiig-karka in aysan tagi Masaajida, taas bedelkeeda salaada ku oogaan guriyahooda.

"In Aadanka, Jumcada iyo Jameecada si kooban loo oogo iyaddoo la qaadanayo taxadarka iyo talooyinka caafimaad," ayuu ku daray bayaanka wasaaradda oo ka kooban 12 qodob.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, maamuleyaasha Masaajida waa in ay ku dedalaan nadaafadda si lamid ah waa in ay xiraan Suuliyada iyo goobaha weysada qof walbana gurigiisa kusoo weysaysto.

"Qof walba oo ku tukunaya Masaajida waa in uu afka kusoo xirto Maaskaro, Baati ama Cimaamad," ayaa lasoo jeediyey, iyadoo aan lasoo bandhigin talaabada laga qaadayo cidda aan sameyn.

Ugu dambeyntii, ganacstadda iyo cid kasta oo awooda waxaa lagu waaniyey in ay ku tabarucdo Masaajida faraxalka jeermis dilaha ah. Tani waxay xoojineysaa dedaalada xakameynta Covid-19.

War-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM