Xukuumadda oo amar kasoo saartey "adeegsiga" ciidamadda

Image
Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu meelmariyey go'aankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa wuxuu guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha, kulanka ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah, sidda ku xusan bayaankan uu arkay Garowe Online.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Lama ogga sababta keentay go'aanka la xiriira in ciidamadda loo adeegsado si ka baxsan waajibaadkooda. Balse, waxay imaanaysaa xilli ciidamada NISA ay maalmo kahor garoonka Aadan Cadde ka xireen wariye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM