Xukuumada oo u hanjabtay isbitaal ay taageeraan hay'addo Turki ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho ku eedeysay in uu "ku tuntay" sharciga iyo qawaaniinta dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaadey in aysan jirin ruqsad ay isbitaalkaas siiyeen.

"Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan".

Sidda ku xusan bayaanka, "talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa dadka u bareeray jebinta shuruucda iyo qawaaniinta u degan waddanka".

Yardimeli Hospital oo lagu daaweeyo Hooyada iyo Dhalaanka waxaa taageera hay'addo Turki ah, balse waxaa si gaar ah u leh shaqsi Soomaali ah.

Dhulka uu degan yahay Isbitaalka waxaa la sheegay in ay bixisay Dowladdii uu hogaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaanka wuxuu imaanayaa iyaddoo maalmihii dambe ay jireen warar sheegayay in uu khilaaf soo kala dhex-galay Wasaaradda iyo maamulka ugu sareeya ee Isbitaalkaas.

Xurgufta ayaa la fahansan yahay in ay salka ku hayso qaabka loo maamulayo deeqda uu isbitaalka ka helo hay'addaha Turkiga.

Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaa xusay in kaalmadaas loogu talagalay in shacabka si bilaash ah loogu daaweeyo, hase ahaatee, maamulka Yardimeli Hospital "uu ka macaasho".

Turkiga oo gacanta ku haya xarumo caafimaad oo ku yaala magaala madaxda waddanka ayaa kamid ah dalalka saaxiibka dhow la ah dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM