Xukuumadda Soomaaliya oo sheegatay "dilka 2,000 AlShabaab ah"

Image
Image
Image
Image
Wasiirka koowaad ayaa tibaaxay in xukuumaddu dadaal gelin doonto in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

"Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2,000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Xamse ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

Wasiirka koowaad ayaa tibaaxay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM