Xukuumadda Soomaaliya oo xayiraad saartey horjoogeyaal AS ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga la dagaalanka lacagaha dhaqista ee Soomaaliya ayaa soo saaray liis cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo sideed ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab.

Waxaa liiska ugu sarreeya ku xigeennada amiirrada Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karatee.

Saddex hogaamiye oo ay ka mid yihiin taliyaha amniyaadka Maktaab Yuusuf Axmed Nuunow Geesacadde, taliyaha nabad sugidda gobolka Cabdikariim Cismaan Jilacow (Mustaf Caato) iyo taliyaha jabaatka Mudug Nuur Cabdi Rooble Nuunule ayaa kasoo muuqdey liiska.

Hay’adaha ammaanka ayaa lagu amray inay xayiraan hantidooda, sidda ku cad qoraalkan oo nuqul kamid ah heshay Garowe Online.

Dadweynaha ayaa looma faray inay iska ilaaliyaan la macaamilka xubnahan, oo ay ku soo wargeliyaan wixii macaamil ah oo ku lug leh xarunta warbixinta maaliyadeed.

Shaqsiyaadka kale ee liiskan lala beegsaday ayaa kala ah Maxamed Mire (Gobolada), Xasan Yacquub (Shura), iyo Bakar Baashe Aadan oo loo yaqaan Shariif (Zakawat).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM