Xukuumadda Soomaaliya: Puntland waxaan u wareejinay $6.3 milyan

Image
Wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in lacagahan ay yihiin Kabka Miisaaniyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay khasnadda gaarka ahn ee dowladda Puntland ku shubtay adduun lacageed oo gaaraya $6,348,826 oo qayb ka ah kabka miisaaniyadda beesha caalamku siiso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in lacagtaasi caddaan ahaan loo gaarsiiyey Puntland kadib codsi kaga yimid madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

"Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka ( cash) toos loogu soo shubo islamatkaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar," ayuu raaciyay.

Kabka miisaaniyaddu waa dhaqaale loogu talagalay in DFS iyo dowlad goboleedyada looga taageero bixinta mushaharaadka iyo dardargelinta adeegyada kale ee lagu fuliyo dakhliga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM