Xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland oo gabagabo ku dhow

Image

March 18, 2015 (GO)- Waxaa gabagabo ku dhow soo xulista xildhibaannada barlamanka ay yeelan doonto Dowladda Jubbaland.

Xildhibaannada lasoo xulayo oo tiradoodu gaareyso 65 mudane intooda badan waa lasoo gudbiyey, waxaase jira beelo aan weli xildhibaannada meteleya keensan oo iyaga dhexdooda muran ka taagan yahay. Qaybsiga tirada mudaneyaasha barlamanka waxaa lagu saleeyey deegaannada, arrintaasoo qaar kamid ah beeluhu saluugeen.

Guud ahaan saddexda gobol ee Jubaland ka kooban tahay waxaa loo qaybiyey 15 degmo kuwaasoo midkiiba la siiyey afar xildhibaan marka laga reebo caasumadda Kismaayo oo iyadu yeelan doonta 9 xildhibaan.

Magacyada xildhibaannada waxaa horay loo qorsheeyey in la shaaciyo berri oo bisha March 19 tahay, balse waxaa jira walaac laga qabo in dib u dhac ku yimaado maadaama weli si buuxda tiradooda loo soo dhameystirin.

Laga soo bilaabo January 20, 2015 xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo waxaa ku shirayey ergooyin isugu jira isimmo, cuqaal, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka kala yimid gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM