Yaa kusoo baxay doorashadii Baydhabo?

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa maanta lagu qabtay doorashada shan kursi oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo matalaya maamulka fadhigiisu yahay Baydhabo.

Kuraasta maanta la qabtay doorashadooda ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaano hore ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaana loogu kala guuleystay sidaan hoose;

Kursiga 1-aad: HOP#184 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Cabdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan kusoo baxay Xasan Cabdinuur.

Xasan Cabdinuur oo hadda ah wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, ayaa waxa uu helay codad gaaraya-72 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod.

Kursiga 2-aad: HOP#085 ayaa waxaa ku tartamay Shariif Maxamed Cabdalla oo hore ugu fadhiyay kursigaan iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, waxaana markale kursigaan ku guuleystay Shariif Maxamed Cabdalla.

Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxa uu helay 79 cod, halka Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana halaabay 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Kursiga 3-aad: HOP#176 waxaa kursigaan ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana ku guuleystay Maxamed Boorow oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan.

Sida uu sheegay guddiga Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley 26 cod, sidoo kale waxaa halaabay hal cod.

Kursiga 4-aad: HOP#046 waxaa kursigaan oo horey ugu fadhisay Raabaco Sheekh Nuur maanta ku tartamay Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, waxayna guushu ku raacday Maxamed Wardheere.

Maxamed Wardheere Cabdi ayaa helay codad gaaraya 83 cod, halka Cabdulaahi Samow Cusmaan oo ah musharaxii la tartamayay uu helay 11 cod, waxaana halaabay hal cod oo keli ah.

Kursiga 5-aad: HOP#156 oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee maanta doorashadiisa la qabto ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Aadan Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Isaaq, waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Maxamed.

Maxamed Aadan Maxamed oo ah guuleystaha kursigaan ayaa waxa uu helay codad gaaraya 88 cod, Maxamed Ibraahim Isaaq oo ahaa musharaxii la tartamay uu heley 10 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod, sida uu sheegay guddiga.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ee dhigayay in doorashada soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Muqdisho Kaga Dhawaaqaya Xisbi Cusub – Yaa Ka Mid Noqonaya Hoggaankiisa?

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud….

  • Soomaliya

    04-05-2025

  • 10:16PM

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM