Yaasiin Raadeer oo Kismaayo lagu dhaawacay

Image

December 23, 2014 (GO)- Dhaawac culus ayaa soo gaarey guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) kadib markii saaka lagu weeraray bartamaha magaalada Kismaayo.

Dabley ku hubeysnaa qoryaha fudud oo watey gaari yar ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga Raadeer xilli uu kasoo baxayey Hotel Tawakal.

Faaduma Kiin oo kamid ah qaraabada mas'uulkaas ayaa Garowe Online u sheegtay in dhaawaca soo gaarey yahay mid halis ah maadaama xabado dhowr ahi kaga dheceen madaxa iyo caloosha.

Kiin ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladiisa waxba looga qaban waayey isbitaalka guud ee degmada iyo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay balse markii dambe la geeyey isbitaal ciidamada AMISOM ku leeyihin garoonka Kismaayo, halkaasoo hadda dhaawaciisa lagu dabiibayo.

Lama aqoonsan dableyda weerarka geysatey mana jiro wax war ah oo arintaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Jubaland.

Goobta weerarku ka dhacay oo ku taalla jidka taga dekedda Kismaayo waxay masaafo aan badneyn u jirtaa xarunta ciidamada nabad-sugidda ee Maamulka Jubaland.

Bishii June ee sanadkii hore ayey ahayd markii sidan oo kale isla agagaarka Hotel Tawakal dhaawac culus loogu geystey Yaasiin Raadeer, kadib markii uu muran dhex maray isaga iyo mileeshiyo beeleed halkaas jid gooyo dhigtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM