Abaar ku dhufatay gobollada ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland

Image

HARGEYSA - Roob la'aan ka jirta Somaliland, ayaa sababay abaar ku dhufatay qeybo kamid maamulkan, iyadoo uu saameeyay 725,000 [Todobo boqol, labaatan iyo shan kun] oo qof kuwaasoo hadda aan haysan cunto iyo biyo ku filan.

Hay'adda NRC [Norwegian Refugee Council], oo fadhigeedu yahay Oslo ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in loo baahan yahay dadkan ay u baahan yahiin gurmad bini'aadanimo oo la gaarsiiyo si noloshooda loo badbaadiyo.

NRC ayaa maanta oo jimco ah dirtay baaq caalami ah oo wax looga qabanayo abaarta ka taagan gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland taasoo barakiciysay qoysas badan, islamarkaana uga sii dartay xaaladda bini'aadanimo.

Meelaha sida aadka ah abaarta u saameysay ayaa ah Sool iyo Sanaag, oo ah meelaha ay isku hayaan labadan maamul oo mudo sanado ah ciidamadooda ku dagaalamayeen, iyagoo hadda isku hor-fadhiya deegaanka Tukaraq.

"Kumanaan qof, gaar ahaan caruurta iyo haweenka ayaa qarka u saaran inay gaajo iyo macluul u dhintaan, hadii labada bilood ee soo socota aan la helin roob ku filan oo ka da'a gobollada Sool iyo Sanaag," ayay yiri Victor Mosas, oo ah agaasimaha NRC ee Soomaaliya.

Abaarta Somaliland ayaa kusoo aadaysa xilli Bishii January, ee 2019, hay'adaha gargaarka caalamiga iyo dowladda Soomaaliya ay billaabeen barnaamij wax looga qabanayo xaaladda bini'aadanimo ee dalka, iyagoo dalbaday lacag dhan $1.08 billion.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM