Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Image

HARGEYSA — Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo hoggaaminaya wefdi heer sare ah oo ka kooban xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo lataliyayaal sar-sare.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kaga qeyb-gali doono shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha horumarka iyo iskaashiga dawladaha.

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inay kulamo muhiim ah magaalada Abu Dhabi kula yeeshaan madaxda ugu sarreysa dalkaas. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo maalgashiga ballaaran ee dalkaas uu ka hayo Somaliland.

Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi ku sameeyay dekadda Berbera, iyadoo shirkadda DP World gelisay US$442 million. Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu Israel kasii aado Imaaraadka, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Israel, oo rabta inay saldhig militeri ka sameysato Berbera, sidoo kalena dadka Falastiin ee kasoo barakicinayo inay geyso Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM