Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Image

HARGEYSA - Somaliland ayaa shaacisay in dadka wata fiisaha elektarooniga ah ee ay soo saartay Somalia aysan loo oggolaan doonin inay soo galaan Somaliland, maadaama Maamulka Hargeysa ku tilmaamay fiisahaas “mid aan sharci ahayn”. 

Intii uu booqasho ku joogyay xarunta maamulka hawada iyo duulista ee Somaliland, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in hawada, badda iyo dhulka Somaliland ay hoos yimaadaan maamulkiisa, isla markaana cid wadata E-VISA aysan ka degi karin Hargeysa. 

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 10 Nofeembar dhammaan diyaaradaha doonaya inay hawada ama garoomada Somaliland maraan ama kasoo dagaan ay waajib ku noqon doonto inay helaan ogolaansho hawada ka dul marista (over-flight permit) oo ka soo baxday wasaaradda duulista ee Somaliland. 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya, oo Somaliland doonayso inay qeybteeda si gaar ah u maamusho halka dowladda Federaalka ay Muqdisho ka maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM