Amnesty International oo eedeyn u jeedisay xukuumadda Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hay'ada Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ee Amneyst ayaa warbixin ay kasoo saartey xaalada guud ahaan degaanada Soomaaliya waxay kusoo qaadey arrimaha Somaliland.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay 2018-19 ay "korortay" faafreebka, dhibaataynta iyo maxkamadaynta xubnaha kasoo horjeeda xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Qormadda ayaa caddeysay in mudadaas ay mas'uuliyiinta maamulka Hargeysa albaabada u laabeen saddex xarumo warbaahin.

Sidda ku xusan warbixinta, intaas waxaa wehlisa xarig aan kala sooc lahayn iyo maxkamadeynta shaqsiyaadka dhaleeceeya xukuumadda oo ay ku jiraan; gabyaayaal, suxufiyiin iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

"Hay'adda Xuquuqul Insaanka maxaliga ah waxay sheegtay in 88 qof oo 28 kamid ah ay yihiin wariyeyaal loo xiray kiisas la xiriira in ay fuliyeen xuquuqda ay u leeyihiin in ay cabiraan fekerkooda," ayay raacisay.

Wariyeyaasha caanka ah ee wali xabsiyada baaqiga ku ah waxaa ku jira Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaas oo xukuno xabsi ah loogu ridday "in uu ku kacay falal ka dhan ah qaranimadda Somaliland".

Coldoon oo ahaa samafale ayaa la sheegay in aan lagu darin liiska maxaabiis uu cafis u fidiyey Biixi sababo la xiriirta ka hortaga faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona, oo degaanada maamulkaas laga helay laba kiis.

Siyaasada xukuumadda Biixi ee ku aadan la macaamilka saxaafadda iyo mucaaradka ayaa lagu qeexay "mid guracan" maadaama cid walba oo baraha bulshadda iyo warbaahinta madaxa banaan ka dhaleeceysa ay xirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM