Auma Obama oo ka qeybgaleysa Bandhiga Buugaagta Hargeysa

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Carwada Buugaagta Hargeysa, caasimada Somaliland, oo la daah-furay Sabtidii, ayaa Axadda maanta ah, gashay maalintii labaad.

Ka qeyb-galeyaasha bandhigan oo ka kala yimid daafaha kala duwan ee caalamka ayaa soo bandhigaya hal-abuuro ay kamid tahay buugaag ay qoreen.

Shaqsiyaadka caanka ah ee kasoo muuqdey bandhigan, oo uu furay madaxweyne ku xigeenka, ayaa waxaa kamid ah haweenay lagu magacaabo Auma Obama.

Auma ayaa waxay la dhalatay madaxweynihii 44aad ee waddanka Mareykanka, Barrack Obama, gaar ahaan waxay walaalo ka yihiin dhanka aabaha.

Haweenaydan oo degan dalka Kenya ayaa sooyaalkeeda waxaa ku xusan in ay tahay qoraal, qof u dhaqdhaqaaq arrimaha bulshadda iyo saxafiyad.

Iyadda oo ka hadleysay munaasabada, Auma ayaa muujisay sidda ay ugu faraxsan tahay kasoo qeybgalka oo ay u tahay markii ugu horeysay, inta la ogyahay.

Obama ayaa waxaa iska dhalay Aabo Kenyan ah kaasi oo la yiraahdo Barack Obama Sr, iyo Hooyo Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Ann Dunham.

Sikastaba ha ahaatee, Carwadda Buugaagta Hargeysa sanadkiiba mar la qabto ayna doorkan waxay u tahay markii 12aad ayaa socon doonta muddo todobaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM