Beesha Burco oo ka jawaabtay Baaqii Isimada SSC

Image
Breaking News

Burco-Shirweynaha Beesha Habar Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ayaa kusoo gebo-gaboobay magaalada Burco.

War-Murtiyeed laga akhriyay dhamaadka Shirka isla markaana nuqul kamid ah lala wadaagay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Beeshaasi aanay duulaan ku ahayn SSC-Khaatumo isla markaana ay difaacan doonaan deegaanadooda.

Go'aamada shirka ayaa sidoo kale kujira qodob sheegaya in Beeshaasi Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.

Horey Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay dhawr mar Baaqyo Nabadeed u jeedisay Beeshaasi balse wax jawaab ah dhankooda lagama hayn tan iyo inta colaaduhu aanay ku fidin reer miyi'ga.

Dagaaladii ka dhacay Buq-Dharkayn ayaa laga digayaa in ay ku faafaan dhulka Miyi'ga kuwaasi oo Dabo-dheeraan kara hadii aan xal waara laga gaarin.

Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horey siyaasiyiinta Somaliland iyo Dhaqankuba ugu eedeeyeen in uu hurinayo colaad u gudubta reer guuraaga.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM