Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Image

HARGAYSA, Somalia - Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in la hirgelin doono heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee Itoobiya, isagoo intaas ku daray in kuwa ka soo horjeeda ay yihiin kuwo ku nool qiyaali, oo ka fog 'xaqiiqda'.

Heshiiska ayuu sheegay in markii Baarlamanka Somaliland meel-mariyo horey ka dhaqan-geli doono xili Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Itoobiya ku eedeeyay inay ku xad-gudubtay madax-banaanida Soomaaliya.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in heshiiska muddo yar ka dib la horgeyn doono hay’adaha sharci-dejinta Somaliland si loo ansixiyo. Madaxweynaha Somaliland ayaa heshiiskan saxeexay bishii January ee sanadkan, taasoo keentay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay cambaareeyaan.

Dawladda Itoobiya ayaan wali si cad uga hadlin arrintan, balse ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in Itoobiya ay ka tanaasuli karto qorshahaas ka dib markii ay waji-gabax kala kulantay saaxiibada caalamka oo sheegay inay saamayn ku yeelan karto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Haddii heshiiska is-afgaradku hirgalo, Itoobiya waxay heli doontaa 20 kiiloomitir oo badda cas ah 50-ka sano ee soo socda, waxayna ka dhisi doontaa saldhigga iyo dekedda. Taas beddelkeeda, Addis Ababa waxa ay Somaliland u aqoonsan doontaa dal madaxbannaan, muddo soddon sano ah ka dib markii ay sheegtay inay ka go'day Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Itoobiya inay ka baxdo heshiiska, iyadoo diiday wax wada hadal ah. Horeba, Soomaaliya waxay heshiis difaac ah la gashay Turkiga kaas oo dhigaya in Ankara ay ilaaliso xeebteeda 3,333 kilomitir muddo 10 sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM