Biixi oo Beesha Caalamka "u caddeeyay" mowqifkiisa doorashadda

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Khamiis ah, wuxuu qaabilay xubno ka socda Beesha Caalamka.

Wafdiga oo ka kala socday; Jarmalka, Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark iyo ururka IGAD waxaa horkacayey ergayga Midowga Yurub.

Sidda laga soo xigtay qoraalka Madaxtooyadda, ajendaha ugu weyn ee shirka wuxuu ahaa doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biixi "u caddeeyay xubnaha in ay ka go'an tahay qabashadda doorashooyinka hadii farsamo iyo sharci ahaan lagu heshiiyo".

"Sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo," ayuu ku daray bayaanka.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka Somaliland ayaa khilaafka ugu badan wuxuu ka jiraa dhanka Guddiga doorashooyinka.

Muranka oo taagan lixdii sano ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda mid "gabagabo" ku dhow, maadaama leysku raacay in la kala diro Guddiga cusub ee doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM