Biixi oo digniin adag u diray Dowladda federaalka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka hor-sheegatay mudaneyaashs baarlamaanka maamulkaas.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya in maamulkiisa ay kusoo qaado dagaal dhanka hawada ah.

Isaga oo la hadlayay baarlamaanka maamulka, Biixi ayaa waxa uu ku adkeystay in aysan ogolaan doonin in hawadooda laga maamulo magaalada Muqdisho.

"Waxaan ka digayaa in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan," ayuu tibaaxaya.

Wuxuu raaciyay: "Dilkii Aqoon-yahankii Somaliland ee u shaqaynaayey Hay’adda Duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadoo".

Dhanka kale, Biixi waxa uu sheegay in aysan ka tanaasuli doonin fekerkooda gooni-isku-taagga maadaama "shantii Soomaaliya ay midba danaheeda raacatay kuna guuleysatay hadafkeeda"

"Shantii Soomaaliyeed mid walba dantiisa ayuu raacday, innaga mooyee. Maanta waad arkaysaan NFD halka ay marayso. Kenya ayay la midowday, guul baanay ku gaadhay," ayuu caddeeyay.

Wuxuu intaas kusii daray: "Soomaalidii Ethiopia deganaydna Itoobiya ayay wax la yeesheen, iyaguna meel wacan ayay marayaan. Soomaalidii French Somaliland-na Canfar ayay wax la yeesheen, waanay ku dhaqan yihiin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM